2712 Views

Wafdi Heer Caalami ah Oo Gaaray Cadaadado

Wafdi Heer Caalami ah Oo  Gaaray  Cadaadado
____________________________________________________________________________

Galagaduud  | QOL | May 28, 2017——Diyaar garow ku aadan caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa laga dareemaaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusii qulqulaya Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil ku dhow Madaxtooyadda Galmudug Maanta ayaa lagu waddaa in Mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb galeysa Caleema Saarka in ay gaaraan Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waddaa in uu kasoo Ambabaxo Magaalada Kismaayo ,islamarkaana uu gaaro Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa maanta tagaya Magaalada Cadaado.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa Aad loo adkeeyay.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Galgaduud 

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment