2736 Views

Dr,Axmed Khaliif”Isbitaalka Bishii Waxaa La Keenaa In Kabadan 50 Ruux

Dr,Axmed Khaliif”Isbitaalka Bishii Waxaa La Keenaa In Kabadan 50 Ruux
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa faah faahin ka bixiyay dad saacadihii u dambeeyay Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday tuulooyin ka tirsan Gobolka hiiraan halka qaarkood ay iminka Isbitaalka la jiifaan.

Axmed Maxamed Khaliif Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ayaa sheegay in Isbitaalka saacadihii la soo dhaafay ay cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen,in ka badan 4 Ruux halka kuwo kale ay weli tuulooyinka u ku haayo cudurkaas.

Waxa uu sheegay in weli abaartii ka dhacday  Guud ahaan gobolka hiiraan,ay sababtay nafaqo daro haatana ay Isbitaalka cudurkaas ay la jiifaan Caruur gaareysa ilaa 20 Caruur ah.

Sikastaba Cudurada Jadeeca iyo shuban-biyoodka ayaa maalmihii u dambeeyay ka dilaacay qeybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya iyadoona Cuduradaas ay dad badan u geeriyoodeen

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment