2337 Views

Al-Shabaab Oo Weerar ku Qaaday Ciidamo ka tirsan Jubbaland

Al-Shabaab Oo Weerar ku Qaaday Ciidamo ka tirsan Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 —Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay xalay Weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwo maamulka Jubbaland.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Jubbaland oo waday howlgallo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Weerar gaadmo ah.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ay iska difaaceen Weerarkaasi ,islamarkaana ay dileen Qaar ka mid ah dagaalyahanadii Weerarka soo qaaday.

Askar oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Weerarkaasi.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment