2652 Views

DHagayso :-Nabadgalyada Muqdisho Oo Lashaaciyey In Lagu Sugayo Mudo Kayar Lixbilood

DHagayso :-Nabadgalyada Muqdisho Oo Lashaaciyey In Lagu Sugayo Mudo Kayar Lixbilood
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 —Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa ka hadlay howl galada xasilinta Caasimada ee Muqdisho ka socdo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqenayaan in muddo 6 bil gudaheed ay magaalada Muqdisho ku noqoto mid Xasiloon oo amaankeeda la isku haleyn karo.

Waxa uu sheegay in Howlgalada socda loogu baahan yahay Masuuliyiinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan oo ay la shaqeeyaan Ciidamaa amaanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xaqiijiyo amaanka guud ee Caasimada isla markaana laga hortago cid walbo oo Howlgalada socda ka soo horjeesata.

Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu Xasilinayo Muqdisho, sidoo kale waxaa soconayo Howlgalo lagu xaqiijinayo amanka guud ee magaalada Muqdisho.

 

Halkan Ka Dhagayso 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment