3213 Views

Deg-deg:- Maamulka dagmada Hilawaa oo ganta ku soo dhigay wax yaabaha qarxa oo lagu diyaariyey goob ay dadku iskugu yimaadan

Deg-deg:- Maamulka dagmada Hilawaa oo ganta ku soo dhigay wax yaabaha qarxa oo lagu diyaariyey goob ay dadku iskugu yimaadan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017— Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Maamulka Degmada Hiliwaa, Abshir Maxamed Maxamuud ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Amaanka ee Maamulkaasi ay ka hortageen Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka.

Guddoomiye Abshir oo la hadlay Qarabino.com  ayaa waxuu tilmaamay in Qaraxan la dhigay goob ay isugu yimadaan dhalinyarada.

Waxaan u mahadcelinayaan Alle, kadibna Ciidamada amaanka ee ku guuleystay in ay ka hortagaan waxyaabahaasi qarxa ee lagu aasay goob mashquul badan oo dadka ay isugu yimaadaan”, sidaasi ayuu yiri Guddoomiyaha.

Hadalka Maamulka Degmada Hiliwaa ayaa waxuu imaanayaa xili amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay islamarkaana Ciidamada xasilinta Caasimada Soomaaliya lagu arkayo waddooyinka Magaalada Muqdisho.

.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment