3732 Views

SAWIRADA:-Shir Muqdisho Kasocday Oo Malintiisi Labaad Galay

SAWIRADA:-Shir Muqdisho Kasocday Oo Malintiisi Labaad Galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—–Maalintii labaad waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka soconaya Shirweynaha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedyada dalka ka jira, Xubno ka socda Ururada bulshada rayidka, Culima’udiin, Nabadoonada iyo Odayaasha dhaqanka, Maamulka gobolka Banaadir, iyo quburo ku xeel dheer Arrimaha Nabadda iyo dib u heshisiinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa goob joog ka ah shirka maadaama Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo qaban qaabisay shirka.

Waxaa maanta shirka lagu soo bandhigay daraasaadyo ay sameeyeen dad quburo ah iyo aqoonyahano kuwaasi oo la xiriira helida Nabad waarta, joojinta colaada iyo khilaafyada soo noq noqda.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay dib u heshiisiinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib u heshiisiinta.

Ka qeyb galayaasha ayaa su’aalo la xiriira mowduucyadaasi waxa ay weydiiyeen dadkii daraasaadka sameeyay, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta sharaxaada guud ka bixiyay arrimahaasi.

Xaliimo Jaamac oo ka mid ah Haweenka ka qeyb galaya Shirka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in hanaanka dib u heshiisiinta lagu daro dadka reer miyiga ah.

Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyoow oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka heysta Soomaalida iyo sida looga gudbi karo fahamka qaldan ee laga bixiyay Diinta.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo maalinta Sabtida ee soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay 17-ka Bishan Juun.

 

1 2 3 4 6

 

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment