2358 Views

R/W Khayre oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

R/W Khayre oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18, 2017—– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay xabad, Miino iyo Qaraxyo ay laayeen taasina ay tahay wax laga xumaado.

Waxaa uu sheegay in uu dhibaatada la qeybsanaayo dadka Soomaaliyeed ee maalinba maalinta ka dambeysa Qaraxyadda ay dhibaatadu kasoo gaarayso.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo in ay hubka iska dhigaan.

Waxaa uu xusay in dhibaatada ugu badan ee heysata Bulshada Soomaaliyeed ay tahay hubka ay wataan oo ay isku dilayaan.

Hadalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,waxaa uu kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya Muqdisho ay ka waday hub ka dhigis.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment