3621 Views

Qarx Xoogan Oo Imaka Ka Dhacay Mudisho

Qarx Xoogan Oo Imaka Ka Dhacay Mudisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  22, 2017—Qarax khasaare geystay ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay iridka hore ee saldhiga degmada Waaberi.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, ilaa iyo hadana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Qaranimo.com u sheegay Qaraxan in uu saameyn ku yeeshay dhismaha saldhiga iyo sidoo kale guryaha halkaasi ka akdhow.

Tilmaan ahaan saldhiga degmada Waaberi ayaa waxa uu ku yaallaa Isgoyska Dabka, gaar ahaan wadada aada dhanka KM4.

Masuuliyiinta Adeegga Gaadiidka deg dega ah ayaa inoo sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Wadadan Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid aad u mashquul badan, maadaama wadadan ay isticmaalaan Gaadiid fara badan, sidoo kalena ay leedahay goobo badan oo Ciidamada ay Gaadiidka ku baaraan.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment