2607 Views

Maamulka Ahlu Sunna oo ka hadashay sicir bararka gobolada dhexe

Maamulka Ahlu Sunna oo ka hadashay sicir bararka gobolada dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Iyadoo shalay guud ahaan uu hakad galay ganacsigii Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Maamulka Ahlu Sunna waxa uu ka hadlay arrintaasi.

Ganacsatada Degmada Guriceel ayaa diiday qaadashada lacagta Shiling Soomaaliga.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ganacsatada ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa Sicir bararka ka bilowday degmada Guriceel.

Maamulka waxa ay sidoo kale sheegeen in horjoogayaasha ganacsatada looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa marxalada adag ee ka taagan degmada Guriceel.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel ee Maamulka Ahlu Sunna C/raxmaan Sheekeeye ayaa sheegay in ganacsatada iyo Maamulka Ahlu Sunna ay ka wada hadleen sidii loo joojon lahaa Sicir bararka ka bilowday degmada Guricel.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hormarinta ganacsiga degaanada Maamulka Ahlu Sunna.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment