2409 Views

Galmudug oo looga digay hurinta dagaalo ka dhaca magaalada Gaalkacyo

Galmudug oo looga digay hurinta dagaalo ka dhaca magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Galkacyo | QOL | Julay 17, 2017 – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay Nabada Magaalada Gaalkacyo si Bulshada labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ugu wada noolaadaan.

Waxa uu sheegay in Puntland ay dhaqaalo iyo waqti badan ay gelin doonto sidii nabad looga dhigi lahaa Magaalada Gaalkacyo oo ay dagaalo dhiig badan ku daatay uga dhaceen.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Masuuliyinta Maamulka Galmudug iyo Shacabkooda in ay noqdaan kuwo waqti siiya Nabada islamarkana ay iskadhega tiraan kuwa colaada hurinaya.

.

W/Q:-Bahiir Barre ali 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Galkacyo

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment