2646 Views

Kalsooni kalanoqosho kadib eedayno kulul oo hawada loo Marsiinayo Madxweyne Gaas

Kalsooni kalanoqosho kadib eedayno kulul oo hawada loo Marsiinayo Madxweyne Gaas
____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | 18 Luulyo 2017 – Qaar ka mid ah Golihii Wasiirada kalsoonida laga laabtay ee maamulka Puntland ayaa waxa ay Madaxweynaha Maamulkaas Cabduweli Maxamed Cali Gaass ku Eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa kalsooni kala noqoshadii lagu sameeyay.

Waxa ay sheegeen in Maalmahaan ay socotay hadalheyn ku aadan in la doonayo in kalsoonida lagala laabto xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ugu dambeena ay  Maanta dhacday.

Waxa ay ku Eedeeyeen in uu iska dhegatiray Codsiyo kaga yimid dhanka xubnaha Baarlamaanka taas oo ku aadaneed xalka gaarista Mooshinka lag keenay Golaha Wasiirada.

Sikstaba markii Baarlamaanka Maamulka Puntland ay kalsoonida kala laabteen Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa Cabduweli Maxamed Cali Gaas,waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo talaabada ay qaadeen Golaha Wakiilada Puntland taas oo shaki gelisay xildhibaanada.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment