3315 Views

Jaaliyadda Atlanta oo xaflad qalin jebin ah abaabushay + sawirro

Jaaliyadda Atlanta oo xaflad qalin jebin ah abaabushay + sawirro
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA | QOL | 18 July 2017 – Waxaa magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka ah lagu  qabtay xaflad aad iyo aad u sareysay oo loo sameeyey ardaydii Soomaaliyeed ee sanadkaan ka qalin jabisay Dugsiyadda sare iyo Jaamacadaha,waxaana xafladaasi qiimaha laheyd abaabulay Somali-American Community Center oo 10kii sano ee ugu dambeysay u dhabar adeegtay xafladda Qalin Jabinta oo kor loogu qaadaayo Ardayda Soomaaliyeed niyadooda loogana dhigay abaalmarin dadaalkii ay soo galeen,waxaana sanadkaan Dugsiyada ka soo aflaxay arday gaareyso illa 60 Arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilaal.

atlanta-5

Waxaana ugu horeyntii halkaa khubad taarikhi ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-America Center Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo marka hore amaan kala dul dhacay Waalidiintii Caruurtaa qalin jabineysay,isagoo uga mahadceliyey sida wanagsan ay Caruurtooda ay juhdiga ula soo galeen,Waxaan Mudane Cumarow isagoo qiireysan sheegay in Xafladan suurtagelinteeda ay lafdhabar ay u yihiin Aabayaasha iyo Hooyooyinka oo wax walba la dul taagnaa Caruurtooda oo runtii maanta guushaan Taarikhiga gaaray,waxaana uu Mudane Cumarow u duceeyey waalidiinta isago u sheegay shaqada ay soo qabteen ay tahay mid waligeed aysan taarikhda iloobi doonin. Mudane Inj. Cumar Sheekhey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali -American Community Center uu carabka ku goday ahmiyadda ay waxbarashadda leedahay marka laga fiiriyo Diinteyna sharafta leh waxa ay ka tiri iyo waxyaabaha uu ka sheegay Nabi Maxamed Nabadi Korkiisa ha ahaatee oo dhamaan sheegay in ay tahay furaha noloshadda isla markaana kuu horseedeyso nolol wanagsan ee addunyadda iyo akhiraba,

atlanta-3

waxa kaloo uu Gudoomiye Cumarow u sheegay Ardayda in ay albaabkii hore ee aqoonta ay hadda dhameysteen isla marlkaana ay u harsantahay waxyaabo badan oo ku taxaluqa aqoonta,iyadoo uu farta ku goday in aysan aqoonta dhamaanin oo mar kastaba laga doonaayo in aad diiradda saarto waxyaaba aqooneyd uu kuu dhiman.isagoo ballanqaaday in guddigiisa iyo Soomalida degan Atlanta ay mar kastaba ay garab istaagi doonaan dhalinyaradda waxbarashadda ku masquulsan,waxaana uu halkaa Gudoomiyaha ku kasbaday sacab aan kala go’ laheyn,waxaana goobtii laga qaaday heestii Soomaliyey Toosa. Waxaana Xafladaasi goob joog ka ahaa Mudane Axmed Xasan oo ka mid ah Clarston City Councal,Dr. Maxamed Cali Nuur,oo Guddiga Jaaliyadda Xubin ka ah,Sharif  oo ah Xoghayaha Guddiga Jaaliyadda, Maxamed Sheekh oo xubin ka ah guddiga Jaaliyadda,Mudane Cabdi Isaaq oo ka mid ah odayaasha Jaaliyadda Atlanta, Dr. Cali Cusmaan Cali, Aweys Fundi iyo Caydiid jeenyo oo ka socday Guddiga Isboortiga Atlanta iyo Jaaliyada Atlanta oo Haweyn iyo ragba leh,waxayna xafladii ku soo dhamaatay guul iyo reyn reyn.

.atlanta-9 atlanta-8 atlanta-4 atlanta-3 atlanta-2 atlanta-1 atlanta-7

.

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment