2424 Views

iska Hor Imaad Maanta Ka Dhacay Baladweyne

iska Hor Imaad Maanta Ka Dhacay Baladweyne
____________________________________________________________________________

Baladweyne   | QOL | 20 Luulyo 2017Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaad khasaare geystay uu ka dhacay Saldhigga Ciidamada Booliska magaalada Baledweyne.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan Militariga ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska oo ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska.

Dagaalka ciidamada Militariga ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku haayo arimo ku aadan magacaabista Taliyaha Saldhiga Booliska.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay Saldhiga Booliska Baledweyne.

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Baladweyne 

___________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment