2274 Views

Shir Muhiim ah Oo Maanta Ka Furmaya Kismaayo

Shir Muhiim ah Oo Maanta Ka Furmaya Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo   | QOL | 22  Luulyo 2017  —Wasiirka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo uu ka furmaayo Maanta Shirweynaha hanaanka dib u eegista Dastuurka Dalka.

Waxaa uu sheegay in Shirkaan ay ka qeyb gali doonaan qeybaha kala duwan ee bulshadda kunool degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiir Xoosh Jibriil ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed dhamaantood laga qeyb gelinayo Barnaamijyada dib loogu egayo Dastuurka.

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dib logu eegayo Dastuurka, Waxa ay Wasaaradu bilihii ugu dambeeyay Shirar Wadatashi ku qabatay Caasimadaha Maamul goboleedyada Dalka sida Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |Kismaayo 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment