2298 Views

Xukuumada Soomaaliya Oo Shaacisay In Ay Dhiiri Galinayso Hal abuurayaasah Soomaliyeed

Xukuumada Soomaaliya Oo Shaacisay In Ay Dhiiri Galinayso Hal abuurayaasah Soomaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarriisow) ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri gelineyso dadka hal abuurka leh ee doonaya inay dalkooda wax cusub ku soo kordhiyaan.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 11 guurada ka soo wareegtay marka la aas aasay shirkadda SOCTEC oo qaabilsan bixinta adeegyada Teknoloojiyada casriga ah ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed looga baahanyahay inay noqdaan kuwa hal abuur leh oo dalka wax ku soo kordhiya.

Eng Yarriisow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee leh hal abuurka inay ka qeyb qaataan horumarinta dalkooda, oo ay noqdaan kuwa banaanka soo dhiga hal abuurkooda, si ay uga faa’iideystaan dhallinyarada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment