2313 Views

Weerar lagu qaaday goob maqaayad ah

Weerar lagu qaaday goob maqaayad ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Toddoba iyo toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan yahay in koox jihaad doon ah ay ka fuliyeen bartamaha caasimadda dalka Burkina Faso, Ouagadougou.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in saddex nin oo hubeysan ay xabbado ku fureen macmiil fadhisay bannaanka hotel iyo maqaayad.

Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi.

Weerar koox jihaad doon ah ay ku qaadeen maqaayad dalkaasi ku taalla ayaa waxaa ku dhintay 30 qof bishii Jannaayo ee sanadkii hore.

Waxaa laga cabsi qabaa in weerarka ay geysateen koox xiriir la leh ururka al-Qaeda kana howl-gala gobolka Saaxil.

Burkina Faso waxay qayb ka tahay gobolka Saaxil, oo ay dalka Mali uu ka tirsan yahay halkaas oo kooxaha Islaamiyiintu ay ka howl-galayeen tan iyo sanadkii 2012.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment