2727 Views

Dowlada Mareykanka oo ka digtay in AMISOM ay ka baxdo Soomaaliya

Dowlada Mareykanka oo ka digtay in AMISOM ay ka baxdo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 – Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in xilliga dhow aysan fiiceyn in AMISOM ka baxdo Soomaaliya,taas haddii ay dhacdana ka dhigan tahay in dhibaato hor leh loo horseedayo Qaaradda Afrika iyo Gobolka Bariga Afrikaba.

Sarkaal sare oo ka tirsan Saldhigga AFRICOM STUTTGART,ee Mareykanka ku leeyahay Salka Germany magaciisana ka gaabsaday ayaa ka digay in lagu fududaado in Ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in haddii ay taasi dhacdo uu dadaalkii socday 10kii Sano ee la soo dhaafay noqonayo mid taban,sidaas darteedna Mareykanka uusan dhiirro gelineyn in Waddan ka mid ah howlgalka AMISOM uu Ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.

Xaaladda amaanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay hadda tahay mid gabi dhacleyn ku jirta oo soo kabasho ka muuqato una baahan in la garab qabto.

Waxaa uu yiri “Soomaaliya waa dhallaan,waxaa ay u baahan tahay wehel iyo kaalmo inta ay cagaheeda isaga taageyso,waxaana ka digayaa  in lagu deg dego ka bixidda Soomaaliya”.

Ciidamo ka badan 20,000 ka socda AMISOM ayaa  10,kii Sano ee la soo dhaafay dagaal kula jiray Al-shabaab,waxaana ay la wareegeen dhul ay horay u maamulayeen Al-shabaab sida meelo ka mid ah Gobollada Koofurta iyo Bartamaha oo ay Caasimadda la mid tahay.

Sarkaalkan ayaa rumeysan in qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya ee billaabanaya Bisha October ee 2018ka uu u baahan yahay xeelad iyo istiraatiijiyad la dejiyay,loona baahan yahay in wax badan laga fiirsado,waxaa uu tusaale u soo qaatay haddii Ciidamada Uganda ka baxaan Soomaaliya in ay wiiqeyso awoodda AMISOM iyo Milataraiga Soomaaliya ee hadda dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu sheegay in Al-shabaab aysan dooneynin Gobolku xasilo sidaas darteedna loo baahanyahay in culeyska iyo cadaadiska hadda saran uu ku sii socdo sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaal kale oo darajadiisa lagu sheegay Janan hayeeshee Magaciisa la qariyay kana tirsan AFRICOM,ayaa yiri “Al-shabaabka hadda ma’ha kii 2010kii,waxaana muhiim ah in wax badan laga fiirsado ka bixidda Soomaaliya ee waqtiga dhow.”

Ku xigeenka Madaxa xiriirka AFRICOM, Jon Dahms,ayaa sheegay in doorka Mareykanka ee Afrika uu yahay in caadi lagu soo celiyo xaaladda Soomaaliya lagana guuleysto qatarta Al-shabaab,sidoo kalena laga adkaado ururrada la mid ka ah ee ka dagaallamaya Qaaradda Afrika sida kuwa Saxaraha Afrika,Liibiya,Waqooyiga Afrika iyo Boko Xaraam.

Waxaa uu ku faanay in AFRICOM ay dowlada iyo Ururrada ka jira Afrika ka kaalmeyso tababarrada,xirfadaha iyo akhlaadqa,waxaana uu tusaale u soo qaatay Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika .

.

Isha:AFRICOM

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment