3684 Views

Madaxweynaha Khaatumo oo eedeyn ujeediyay Dowladda Dhexe iyo Puntland.

Madaxweynaha Khaatumo oo eedeyn ujeediyay Dowladda Dhexe iyo Puntland.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 –Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay halka ay marayaan wadahadalada usocda Maamulkooda iyo Somaliland  oo hakad galay maadaama Somaliland doorasho ay isu diyaarineyso.

Madaxweyne Galeyr ayaa sheegay in wadahadalada ay haatan marayaan meel wanaagsan ayna isla qaateen labada dhinac iney dhaqan galiyaan qodobada ay isku raaceen ilaa iyo haatan.

Gobolada Khaatumo uu sheegay iney maamusho ee Sool, Sanaag iyo Ceyn ayuu Madaxweynaha Sheegay iney faragalin qaawan ku hayaan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland uu hogaamiyio Madaxweyne C/Wali Gaas.

Galeyr ayaa soo hadal qaaday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle, Waxa uu sheegay ineysan garoonka ka soo dagi karin cid aaney ka warqabin Maamulkooda Khaatumo, Dadka ay u arkaan iney Wadahadalada fara galinta ku wadaan ayuu shaaciyay ineysan ka soo dagi karin Garoonka.

Labadii shir ee lagu kala qabtay Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayuu sheegay in Qodobada la isla qaatay ay kujirtay iney meel uga soo wada jeesadaan si aan loo carqaladeyn Wadahadalka.

Madaxxweynaha Khaatumo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu si la isku wada raacsanyahay ay ka soo baxaan Wadahalada usocdo Guddiyada ay iska soo kala xuleen labada Maamul.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment