3789 Views

Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay wareejinta Qalbi-Dhagax

Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay wareejinta Qalbi-Dhagax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay wareejinta dhawaan Dowladda Soomaaliya wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhaliil u jeediyay Soomaalida ka banaanbaxeysa wareejinta Qalbi-Dhagax, waxaana uu is weydiiyay sababta Soomaalida aysan uga banaabixin weerarrada Al-shabaab ee ka dhacaya Soomaaliya.

Waxaa uu Cabdi Maxamuud Cumar intaas ku daray in Qalbi-Dhagax uu u xiranyahay Sharciga Itoobiya islamarkaana uu hadda ku suganyahay meel amaan ah sharciga Itoobiya waxa uu ka helana uu leeyahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Qalabi-Dhagax uu ka mid ahaa Ciidankii ugu horreeyay ee Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya sidoo kalena markii dambe ku biiray ONLF, waxaana uu ku baaqay in Soomaalida is dejiso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan dadka hadalheynteeda ku badan tahay ay hami siyaasadeed ka leeyihiin Soomaaliya ayna doonayaan in ay wax u dhimaan nidaamka dowladnimada Soomaaliya ee hadda ka jira Soomaaliya.

..

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment