3387 Views

Taliska Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ku sugan oo sheegay in wali amni daro ka jirto Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ku sugan oo sheegay in wali amni daro ka jirto Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  6, 2017 — Taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga qeybtana ka ah hawlgalka AMISOM Kayanja Muhanga oo la hadlay xubno ka tirsan ururka Midawga Africa ayaa sheegay in willi Soomaaliya ay ka jirin nabad buuxda halisaha amaana ay yihiin kuwo willi qatartooda leh.

Sargaalkaan haysta ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxaa uu sheegay Al-Shabab ay willi halis badan ku yihiin amaniga dalka waxaana uu xusay in dalku uu ku jiro xaaladf halis dhanka amaanka ah hadalkaan waxaa uu sheegay mar uu warbixin siinayay xubno uu ka mid yihiin ahaa ku xigeenka wakiilka ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Simon Mulogo.

Culaysyada ugu badan ee haysta ciidamadooda Soomaaliya jooga waxaa uu ku sheegay sargaalkaan dhulka ay ku sugan yihiin oo aad u weyn, tirada ciidamada oo yar agabka ay haystaan oo yar iyo wadooyinka ay isticmaalaan oo aan hagaagsanayn taasoo qeyb ka ah halisaha amaan dalka ka jira.

Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa qeyb ka ah halisaha amaan ee dalka ka jira willi waxaana uu intaa ku daray in loo baahanyahay in kor loo qaado tayada ciidamadaa AMISOM si guul loo gaaro.

Khilaafyada ka dhasha beelaha is haya ee Soomaaliya ayuu sidoo kalke sheegay taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya inay qeyb ka yihiin xaabadda ay colaada u adeegsadaan Al-Shabab mararka qaarna weerarada ciidamadooda lagu qaado waxaa uu xusay inay u adeegsadaan hab beeleed.

Dawlada Uganda oo ah dawlada ciidamada ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan waxaa ay dhawr jeer ciidamadooda la kulmeen weeraro dhiig ku daatay oo ay Al-Shabab ku qaadeen xeryo ay ka degen yihiin Soomaaliya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment