2865 Views

Wadooyin Muhiim U ah Isku Socodka Shacabka Reer Muqdisho Oo Maanta Xiran

Wadooyin Muhiim U ah Isku Socodka Shacabka Reer Muqdisho Oo Maanta  Xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 –Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Isgoysyka Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya.

Ciidamada Militariga ayaa sidoo kale waxa ay xirteen Nawaaxiga xaafadda Warshada caanaha, Isgoyska Black Sea iyo Isgoyska Baar Ubax.

Qof ka mid ah dadka reer Muqdisho ee soo lugeeyay, ayaa sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay gaadiidka Ciidamada Militariga ay wataan oo wadooyinka lagu jaray.

Warar soo baxay ayaa sheegaya inay suuragal tahay Madaxweynaha Soomaaliya inuu tago xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, sidaasina wadooyinka loogu xiray, inkastoo arrintaasi aanan si rasmi ah loo xaqiijin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment