3756 Views

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Gaari Uu Lahaa Guddoomiye xigeenka Dharkenley

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Gaari Uu Lahaa  Guddoomiye xigeenka Dharkenley
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 –Wararka Iminka Soo Gaaray Xafiiska Wararka Qaranimo Online Ayaa Sheegaya In Uu Hal Ruux Ku Geeriyooday Midkalane  uu dhaawacmay kaddib markii weerar lagu qaaday Gaari uu leeyahay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Xilliga uu weerarka dhacay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dharkenley lama socon Gaariga waxaana ilo ku dhow maamulka Degmada noo xaqiijiyeen in Qofka dhintay uu yahay wadaha Gaariga sidoo kalena wiil la socday uu dhaawac culus soo gaaray.

Darawalka ayaa Gaariga u waday Goomiiste si loo sameeyo,waxaana lagu horjaray Gaari kale kaddibna sidaas loogu furay Rasaas,taas oo sababtay dhimashada Wadahii Gaariga iyo dhaawac qofkii la socday.

Xalay ayaa degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Hodon lagu dilay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya kaddib markii Niman ay qaraabo ahaayeen shir qooleen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment