6099 Views

Itoobiya Oo Sheegtay in la xiray 200 Oromo ah oo laayay Soomaalida

Itoobiya Oo Sheegtay in la xiray 200 Oromo ah oo laayay Soomaalida
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 16 September 2017 –Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Xbsiga la dhigay 200 Qof oo Oromo ah kaddib markii lagu helay sida ay dowladda sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka 43 Qof oo Soomaali ah.

Koox Oromo hubeysan ah ayaa degaanka Hawadaay ee Dalka Itoobiya ku dilay 43 Soomaali Ganacsato ahaa waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay billowday colaad soo kala dhexgashay Oromada iyo Soomaalida.

Wasiirka Warfaafinta dalka Itoobiya Negeri Lencho; ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Adis ababa waxaa uu ka sheegay in dowladda dhexe ay Ciidamo milatari iyoBoolis ah u dirtay Gobolka iyaga oo xir xiray dad badan oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen leynta loo geystay Soomaalida Gnacsatada ahayd .

Lencho; waxaa uu sheegay in Ciidamada difaaca Itoobiya iyo Booliska Federaalka ay hadda la shaqeynayaan Ciidamada labada Maamul ee Soomaalida iyo oromada,waxaana uu intaas ku daray in ay socdaan dadaallo xal looga gaarayo colaadda soo cusboonaatay.

Madaxda labada Maamul,Odayaasha dhaqanka iyo Culimada labada dhinac ayuu xusay in ay wadaan dadaal wadajir ah oo lagu doonayo in xal looga gaaro arrintan.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay labada dhinac heshiis dhex dhigtay Bishii April ee Sanadkan,colaadda hadda socotana aan la ogeyn waxa sababay.

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment