2481 Views

WFP oo raashinka ka jareysa qaxootiga Dhadhaab

WFP oo raashinka ka jareysa qaxootiga Dhadhaab
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 03, 2017 — Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay ku dhawaaqday in ay dhimeyso 30%Raashinka ay Hay’addu siiso Qaxootiga u badan Soomaalida ee ku nool xerada Dhadhaab ee dhulka Soomaaliya ee ay Kenya maamusho.

WFP waxaa ay sheegtay in xerada ay hadda ku noolyihiin 420,000 oo Qof oo Qaxooti ah iyada oo intaas ku dartay in ay u baahan tahay lacag ka badan $28.5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah  si ay wax uga qabato cunna yarida hadda heysata.

Sarkaalad ka tirsan WFP laanteeda Kenya oo shalay Warbaahinta kula hadashay Nairobi laguna magacaabo Annalisa Conte,ayaa sheegtay in Hay’adda hadda ay heysato dhaqaale yari,baaqyo badan oo ay dirtayna ay yartahay dhinacyada ka jawaabay sidaas darteedna ay qasab ku noqotay in ay dhinto Raashinka ay bixiso.

Qaramaada Midoobey ayaa horay u sheegtay in lixdii bilood ee ugu horreysay 2017 uu hoos u sare u kacay gargaarka ay bixiso kaddib markii colaado iyo Abaaro isbiirsaday ku kordheen Caalamka.

Warbixinta Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dalalka Soomaaliya,Koofurta Suudaan,Nigeria,Yemen,Burma iyo Syria ay udub dhexaad u yihiin colaado iyo abaaro isu raacay halkaas oo meelaha qaar ay macluul adag ka jirto.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment