3051 Views

Qarax Goordhow Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Qarax Goordhow Ka Dhacay Duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  08 Oktoobar, 2017 –Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho, Ciidamada AMISOM ayaa halkaasi lagula eegtay qarax.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM lagula eegtay degaanka Xaawo Cabdi, xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo AMISOM .

Qof ka mid ah dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arkaayay gaari ka mid ahaa kuwii ay wateen ciidanka Amisom oo qaraxa uu saameeyay.

Qaraxa kadib ciidamada AMISOM ayaa furay rasaas xoogan oo si wayn qal qal ugu abuurtay dadkii wadada ka agdhawaa iyo gaadiidkii halkaasi isticmaalaayay, waxayna Amisom xirteen wadada.

Waxaa hakad galay isu socodka wadada Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, maadaama AMISOM wadada ay xirteen ayna sugayaan gaari Wiish ah oo kaga yimaado dhanka Carbiska, si gaariga waxyeelada u gaartay loogu qaado.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment