3537 Views

6 Jir Noqday Duuliye Diyaaradeed !!!

6 Jir Noqday Duuliye Diyaaradeed !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Aadan Maxamed Amiir,waxaa uu asalkiisa ka soo jeedaa dalka Morocco,waxaase uu heystaa dhalashada Dalka Masar,waxaa uu ku suganyahay Xerada tababarka ee Sharikadda Diyaarada Etihad Airweys ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu Duuliyayaasha Diyaaradda Etihaad u sharxayaa Habka shaqada ee Diyaaradda Etihaad,waxaana ay duuliyyaasha la yaabeen sida uu wiilkaas yar cajiibka u yahay.

Waxaa uu Xerada ku ka xeeyay Diyaaradda Airbus A380  ee Sharikadda Etihaad,halkaas oo uu maalin dhan ka ahaa duuliye,waxaana uu halkaas ka billaabayaa rumeynta riyadiisa ah in uu noqdo duuliye diyaaradeed.

Arrintan waxaa ay ka soo billaabatay Dalka Morocco markii wiilkan oo diyaaradda saaran una socotay ABu Dubai ay diyaaradda cillad gashay,kaddibna wiilka  yar talo siinayo duuliyaha,duuliyaha ayaa qaatay go’aanka wiilka,waxaana uu si dhaqsi ah u dejiyay diyaaradda,muuqaalkii laga duubay ee la geliyay baraha bulshada ayaa horseeday in ay daawadaan 6Milyan oo Qof,waxaana Etihaad ballan qaadday in wiilkaas uu ka mid noqonayo duuliyayaasheeda Mustaqbalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment