2928 Views

Gaari Lagu Xiray Waxyaabaha Qaraxa Oo Ku Qarxay Nawaaxiga Maqaayada Karmel

Gaari Lagu Xiray Waxyaabaha Qaraxa Oo Ku Qarxay Nawaaxiga Maqaayada Karmel
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL 20, Oktoobar 2017 –ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer, waxaana qaraxa uu ka dhashay gaari wadada dhinaceeda yaalay.

Wararka horudhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu yaalay nawaaxiga Maqaayadda Karmel iyo maqaayad kale oo ka ag dhow.

Gaariga qarxay ayaa ahaa nuuca raaxada, waxaana lagu dhejiyay waxyaabaha qarxa nooca magnada leh, sida dad goob joogayaal ay sheegayaan.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo qaraxa kaddib ay goobta xireen ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya inuu ka bad baaday ninkii watay gaariga ee loogu xiray waxyaabaha qaraxa, gaariga ayaan bur bur sidaa u weyn uusan soo gaarin, marka laga reebo muraayadaha iyo qeybaha hore oo waxyeelo soo gaartay.

Qaraxan ka dhacay agagaarka maqaayado ku dhow wadada aada dhanka Isbitaalka Digfeer ayaa ku soo aadaya, iyadoo wali dadka reer Muqdisho ay dhagahooda ka yeereyso qaraxii weynaa ee dadka faraha badan ku dhamaadeen ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe

 

ttttttttttttttttttttrrrrrrrrrr ttttttttttttttttttttttt

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment