3552 Views

Sawiro:- Wasiir Bayle Oo Maanta kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho

Sawiro:- Wasiir Bayle Oo Maanta  kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23 October 2017 – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,isgaoo u kuur galiyay howlaha shaqo ee halkaas ka socdo.

Mudane Cabdiraxmaan  Ducaale  Beyle ayaa  u jeedka socdaalkiisu ahaa si loo xaqiiyo in shaqada Canshuuraha Garoonka  ay u socoto habkii lagu balamay.

Wasiir Beyle ayaa mid mid u dul istaagay Goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keeno oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya,si loo hubiyo Agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa  ladhoofinayo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa,iyadoo bilihii u danbeysay ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.

c1 c2 c3 c4 c5

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment