2733 Views

In Ka Badan 10 Ruux Oo u Geeriyootay Roob Xoogan Oo Muqdisho Ka Da’ay

In Ka Badan 10 Ruux Oo u Geeriyootay Roob Xoogan Oo Muqdisho Ka Da’ay
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —Iyadoo habeenadii la soo dhaafay Kuleel daran ka jiray Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka bilaawday roob ay ku diirsadeyn dadka ku nool magaalada.

Inkastoo baahi badan loo qabay raxmadda EEBE ayaa hadane waxaa ka dhashay khasaaro soo gaaray dad danyar ah oo ku noolaa Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 qof oo u badan Caruur iyo dad waayeelo ah ayaa u geeriyooday roobkii xalay saq dhexe ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Dad geeriyooday oo u badnaa caruur ayaa ku noolaa Guryo ka sameysan Kartooman Baco iyo Maryo la isku xir xiray kuwaas oo aan udul qaadan karin dhibicda Roobka.

Si Guud magaalada Muqdisho Mudooyinkaan kuleel badan ka jiray ayaa saakay laga dareemayaa raxmadda EEBE.

Roobka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wadooyin muhiim ah oo Gaadiidla Isticmaali jiray kadib markii ay biyo Xireyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment