2631 Views

Delhi oo xaalad deg deg ah looga dhawaaqay kaddib markii ay wasaqowday Hawada

Delhi oo xaalad deg deg ah looga dhawaaqay kaddib markii ay wasaqowday Hawada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8  November 2017 –Magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya ayaa maanta looga dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca Caafimaadka ah kaddib markii Hawada magaalada ay noqotay mid uu qiiq buuxiyay islamarkaana dadka ay dareemeen cabbur farabadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa amartay in la xiro Goobaha dadweynaha sida Dugsiyada iyo Jaamacadaha si looga gaashaanto neef qabatin badan oo sababi kara dhimasho.

Dr, Krishan Kumar, oo ah Madaxa Ururka Caafimaadka Hindiya ayaa sheegay in ay amar ku siiyeen dadweynaha in aysan ka soo bixin guryaha,islamarkaana joojiyaan dhamaan wixii dhaq dhaqaaq ee Magaalada gudaheeda iyo bannaankeedaba ah.

Muuqaalka Magaalada ayaa u muuqda mid Ceeriyaamo qarisay ama roob ka da’ayo,waxaana adag in dadka soconaya is arkaan,iyada oo ay u dheertahay wasaqowga Hawada oo cudurro ay ka mid tahay neef qabatinka laga qaadayo.

“Wiilkeyga oo 12 jir ah waxaa uu ka soo kacay isaga oo neefta ku xiran tahay islamarkaana aan hadli karin,dowladda waa in arrintan ay wax ka qabataa” ayey tiri Vidya, oo 45 jir ah.

Guddiga maamula ka hortagga Wasaqowga Hawada Hindiya ayaa sheegaya in sanadkasta xilligan oo kale uu dhaco Wsaqowga Hawad dowladdana aysan xil badan iska saarin sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Waxyaabaha ugu badan ee sababa ayey Guddigu ku sheegeen in ay tahay dhirta iyo Miraha qaar ee lagu gubo Waqooyiga Magaalada New Delh

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment