2208 Views

Golaha Amaanka oo D.Somaliya ugu baaqay dedejinta xeerarka Badda iyo la dagaallanka Burcad badeedda

Golaha Amaanka oo D.Somaliya ugu baaqay dedejinta xeerarka Badda iyo la dagaallanka Burcad badeedda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8  November 2017 –Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka waxaa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in ay dedejiso xeerarka badda ee Soomaaliya iyo kuwa la dagaallanka Burcad Badeedda weerarrada ka geysta Badweynta Hindiya,Badda cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa weerarrada Burcad Badeedda Soomaaliya ee ka dhaca Biyaha Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya.

Sidoo kale Golaha amaanka ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday sameynta Ciidamada Badda Soomaaliya oo ilaaliyaha xeebaha Soomaaliya si looga hortago Burcad Badeednimada islamarkaana xeerarka Ciidankaas lagu diyaariyo waqti yar.

Sidoo kale 15ka Dla ee XUbnaha ka ah Golaha amaanka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay sameynta Maxkamada awoodda u leh baarista iyo qaadista kiisaska la xiriira Burcad Badeednimada,taas oo iyana ka mid ah waxyaabaha lagu yareyn karo dambiyada ka dhaca Biyaha Soomaaliya.

Xubnaha Golaha amaanka ayaa Waddamada Caalamka ee ku jira Qaramada Midoobey iyana ugu baaqay in ay fududeeyaan Maxkamadeynta Burcad Badeedda ay gacanta ku hayaan,ama ku wareejiyaan Maxkamadaha Soomaaliya si loogu qaado dambiyada loo heysto.

Golaha ayaa Dalalka Caalamka ka codsaday in xeerarka gudaha dalalkooda ay ku daraan in Burcad badeenimadu dambi tahay islamarkaana ay dambi ka dhigaan bixinta madax furashada ama taageeridda burcad badeedda si looga hortago qataraha ay Caalamka ku hayaan.

Kulanka Golaha amaanka ayaa lagu amaanay Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya,waxaana lagu bogaadiyay sida ay uga hortagaan howlgallada Burcad Badeedda,waxaa kale oo iyana lagu amaanay Midowga Afrika iyo Ururka horumarinta Koofurta Afrika oo ka qeybqaata sidii Maraakiibta ay si nabad ah ku mari lahaayeen Biyaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment