2337 Views

Kenya oo sheegtay in hoggaamiye ka tirsan Al-shabab doonayo ka bixidda Ururkaas

Kenya oo sheegtay in hoggaamiye ka tirsan Al-shabab doonayo ka bixidda Ururkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Ila dhinaca Sirdoonka Kenya ah ayey Dowladda Kenya ku sheegtay in Axmed Iman oo ah Kenyaan ku biiray Al-shabaab uu hadda doonayo in uu ka boxo Al-shabaab kaddib markii uu ku qanci waayay hoggaanka ugu sarreeya Al-shabaab iyo sida ay wax u maamulayaan.

Sirdoonka ayaa sheegaya in Axmed Imaan iyo Hoggaanka sare ee Al-shabaab ay isku fahmi waayeen dilka loogeysanayo Kenyaanka ku jira Al-shabab ee ay soo baxday in maalmihii la soo dhaafay la dilayay.

Sirdoonka Kenya waxaa ay sheegayaan in hadda uu socdo wadaxaajood uu ku doonayo in uu dib ugu laabto Kenya,isaga oo sidoo kale ka baqaya in ay dilaan Al-shabaab,maaddaama qofkii kabaxaya ay dilayaan sida ay sheegeyso xogta ay baahisay kenya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Axmed uu ku wanaagsan yahay warbaahinta muuqaalka ah,islamarkaana AL-shabaab ka caawiyay sameynta muuqaallada Afka Sawaaxiliga ah ee barabagaandada ka dhanka ah AMISOM lagu sameeyo.

Imaan waxaa hoggaamiyaha Garabka Al-shabaab ee Kenya ee loo yaqaan Jeesh al Ayman,waxaa uu u qaabilsanyahay in dhallinyarada Kenyaanka ah u qoro Al-shabab sidoo kalena qorsheeyo weerarrada ka dhanka ah Kenya ee ka dhaca gudaha dalkaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment