2010 Views

R.W Ku Xigeenka Oo Dib ugu Soo Laabtay Dalka

R.W Ku Xigeenka Oo Dib ugu Soo Laabtay Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL  | December 01, 2017—–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uu uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada.

Shirkan ayaa waxaa  ka qeyb galay in ka badan Afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa imaatankiisa kadib wuxuu hadal siiyay warbaahinta, wuxuuna sheegay shirkan inuu ku soo dhamaaday guul, ayna rajeynayaan in wax badan  laga qabto Argagixisada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ah La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ayaa intii uu ku sugnaa Riyad waxa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo dhinaca kale gurigiisa ku booqday Cumar Carte Qaalib oo horey u xilal kala duwan oo ka mid yahay Ra’iisul Wasaare uga soo qabtay dalkeena.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment