2448 Views

Sawiro:-Sheekh Muqtaar Roobow Oo Ka Degay Magalada Baydhaba

Sawiro:-Sheekh Muqtaar Roobow Oo Ka Degay Magalada  Baydhaba
____________________________________________________________________________

Baydhabo |  QOL  | December 01, 2017—–Garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya barkhanimadii maanta waxaa ka degtay Diyaarad gaar ah oo siday Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo masuuliyiin kale oo la socotay oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo saraakiil Ciidan, waxaana ay ka soo amba baxeen Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Xubnahan Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi, Maamulka Gobolka, kan degmada, Qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.

Ugu horeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed in Abuu Mansuur uu soo gaaro Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan Roobow.

Wuxuu sheegay maalmaha soo socda in Roobow uu joogi doona magaalada Baydhabo, isaga oo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelaay).

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/ashiid C/laahi Maxamed ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wixii wada hadal iyo is xog wareysi ah ay noqon doonaan maalinta berri ah wixii ka dambeeya.

Ugu dambeyntii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo hadalka qaatay ayaa halkaasi ka jeediyay hadalo kaftan uu ku jiro, wuxuuna ka mahadceliyay qaabka wanaagsan ee shacabka Baydhabo ay u soo dhaweeyeen.

mm n nn rr

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment