2808 Views

Wasiirka Gaashaandhiga oo xilka la wareegayo

Wasiirka Gaashaandhiga oo xilka la wareegayo
____________________________________________________________________________

Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay xafladda Wasiirka guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil,Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa munaasabadaasi suugaan ka tarjumaysa gubaabada ciidamada iyo ahmiyadda difaaca dalka ka soo bandhigay koxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka.

x

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhawaan la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment