1809 Views

Shir Looga Hadlayo Amniga Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Shir Looga Hadlayo Amniga Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 3 2017 – Sida uu qorshaya yahay, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono amniga guud ee Qaranka.

Shirkan waxaa yeelanaya golaha amniga qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamd C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana looga hadli doonaa dardargelinta howlaha amniga guud ee Soomaaliya.

November 5, 2017 shirkii magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday golaha amniga ayaa la isku raacay in maanta oo ah 03 – December – 2017 magaalada Muqdisho lagu qabto shirkan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona shirkaan, iyadoo qaarkood ay magaalada Muqdisho soo gaareen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment