2280 Views

Suxufiga Boqorka Bartamaha Oo Laga Sii Daayay Xabsi ku yaal Dalka Itoobiya

Suxufiga Boqorka  Bartamaha Oo Laga Sii Daayay Xabsi ku yaal  Dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16 ,2017 —Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa Afar sano kadib waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kadib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay soo deynta Wariye Muudey.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Yariisow, ayaa Barta xiriirka Bulshada uu ku leeyahay, wuxuu ku soo qoray.

“Waxaan qadka telefoonka kula hadlay Mohamed Aweis Mudey (Boqorka Bartamaha) oo xabsiga laga soo daayey berrina noogu iman doono Mogadishu. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena tixgeliyay una gudbiyey Madaxda Ethiopia. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa suxufiyiinta marwalba I xasuusin jirtay Boqorka. Waxaana mahad u sugnaatay EEBBE oo noo sahlay arrinkan.” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay soo deynta in ka badan 100 Maxbuus oo muddo ku xirnaa dalka Itoobiya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment