3129 Views

Aqalka Sare Oo Soo dhoweyn u sameeyay Prof. Dufle Oo Ku Guuleystay abaal marin

Aqalka Sare Oo Soo dhoweyn u sameeyay Prof. Dufle Oo Ku Guuleystay abaal marin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Somalia ayaa soo dhoweyn iyo Maamuus u sameeyey abaal marin caalami ah oo dhowaan lagu gudoonsiiyey wadanka Switzearland Sen/Prof.Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Senatarada aqalka sare ee Baarlamanka Somalia.

Abaalmarintan ayaa 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkan waxaa Prof. Dufle ku gudoonsiiyey dalka Switzearland labada heyadood oo kala ah Universum Academy iyo International University of Peace, iyagoo u doortay danjire Nabadeed.

Guddoomiye ku-xigeenka aqalka sare Senator Abshir Bukhari ahaana shir-guddoomiyaha oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in aqalka sare uu Maamuus iyo qadarin ku soo dhoweynayo abaal marinta caalamiga ah ee la guddoonsiiyey Prof. Dufle oo uu sheegay iney tahay mid uu ku muteystay dedaalkii uu u soo galay badbaadinta iyo wax u qabashada shacabkiisam loona baahan yahay in lagu daydo.

Waxaa kulankaas laga aqriyey taariikh nololeedka iyo waxqabadka Prof. Dufle, waxaana ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Senator Maxamed Cismaan Dhega-juun iyo Senator Axmed Xaashi oo ka waramay waxqabadkii Prof. Dufle, iyagoo sheegay inuu u qalmo abaalmarinta la siiyey iyo kuwa ka waaweyn, ayna u rajaynayaan guulo kale.

Senator Sam-sam Daahir ayaa iyadoo ka wakiil aheyd senatarada aqalka sare waxay iyana hadiyado maamuus ah gudoonsiisay Prof. Dufle oo isna si laab furan uga guddoomay ugana mahad celiyey hadiyaddahaas.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ugu dambeyn ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey aqalka sare maamuuska iyo qadarinta ay u sameeyeen iyo hadiyadaha ay gudoonsiiyeen, wuxuuna ka waramay abaalmarinta uu ku guuleystay oo uu xusay in la guddoonsiiyey 14kii Oktoobar saacado ka hor masiibadii ka dhacday Zoope, taasoo uu sheegay inaan la shaacinin maadaama baroordiiq qaran lagu jiray dibna loo dhigay.

Abaalmarintan la guddoonsiiyey ayuu sheegay iney ku saleysan tahay waxqabadkii 27kii sano ee dhinaca Caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadaminada, ayna ugu muhiimsan yihiin abaabulkii uu ka gaystay Guddigii Isku Dhafka Caafimaadka Muqdisho kaasoo wax weyn ka taray u gargaaridda dhaawacii uu sababay dagaaladii sokeeya ee ka qarxay caasimada  sanadkii 1992, ayna  ka talaabeen wixii la dhihi jiray khadkii cagaarnaa ee Muqdisho kala qaybin jiray, wuxuuna xusay iney dib u hawlgeliyeen Isbitaaladdii ayna ku dhax shaqaynayeen dagaaladii oo socda, iyadoo Qatar badan ay jirtay.Isbitaaladaas waxaa ka mid ahaa Isbitaalkii Digfeer, Isbitaalkii Banaadir, Isbitaalkii Madiina, Isbitaalkii Forlanini, Isbitaalkii Dayniile iyo Isbitaalki Martiini, kuwaasoo badankood ay gacan naga siiyeen furitaankooda ururkii Haweenka horseedka HINA ee ay ka mid ahaayeen Marxuumad Madiina Jeneraal, Caasha Ugaas, Senetor Jawaahir iyo kuwo kale.

“Waxaa xusid mudan inaan ka dhignay xiligaas xabsigii hore ee Kaysanay Isbitaal ilaa iyo maanta bulshada u adeega kaasoo lagu daweeyey dad gaaraya 340 kun oo qof,  kuwaasoo 85 kun oo ka mid ah qaliimo loo sameeyey” ayuu yiri Prof. Dufle oo xusay in ay gacan weyn ka siiyeen hay’adaha ICRC iyo Bisha Cas Soomaaliyeed tan iyo maantana hawsha cisbitaalkaas wada.

Prof. Dufle wuxuu kaloo sheegay in guulaha xilligaas la gaaray inuusan keligiis keenin balse ay wada keeneen guddigii iskudhafka caafimaadka magaalada Muqdisho (JHA) kuwaasoo kala ahaa Dr. Cabdullahi Foomka (AUN), Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje), Dr. Salaad Faarax Guutaale, Dr. C/Kariin Caseyr Cali, Dr. Crisaaq Xasn Cali, Dr. Cabdirisaaq Dalmar, Dr. Ibraahim Macow Gaandhi iyo Dr. Axmed Legaale, isagoo dhamaantoodna u mahad celiyey.

Toban sano ka dib sanadkii 2002 ayuu sheegay dhaqaatiir uu isagu ka mid ahaa ay aasaaseen Jaamacadda Banaadir kuliyadda Caafimaadka si loo helo dhaqaatiir cusub u buuxiya kaalintii ay baneeyeen dhaqaatiirtii dalka ka baxday iyo kuwii geeriyooday.

Musiibadii Hotel Shaamow ee ku dhacday Jaamacadda Banaadir munaasabaddii ardaydii qalin jebinaysay waxay ahayd musiibo weyn oo sababtay dhimasho iyo dhaawac mas’uuliyiintii jaamacadda, macalimiintii jaamacadda iyo dad kaloo muhim  ahaa, balse dhacdadaas ma noqon mid hakisa hadafkeennii ahaa in aan soo saarno jiil cusub oo dhaqaatiir ah oo na beddela,  riyadaasina waa rumowday, maxaa yeelay  waxaa ka qalin jebiyay jaamacadda illaa iyo maanta dhaqaatiir ka badan 750 dhaqtar oo waddanka oo dhan ka shaqeeya” ayaa yiri Prof. Dufle.

Dhamaan howlahaas la soo qabtay ujeedada laga lahaa ma aheyn in shahaado iyo abaal marin lagu helo balse waxay naga aheyd ilaahay dartiis inaan inta awoodeena ah wax ugu qabano shacabkeena dhibaateysan taasna waan ku guuleysanay” ayuu yiri Prof. Dufle oo horey ugu guuleystay abaal marino kale oo ay gudoonsiiyeen Machadka caalamiga ah ee Giuseppe Pitre ee dalka Talyaaniga iyo ururka Somalia Peace Award ee dalka Norwey, wuxuuna Profasorku noqday dhaqtarkii ugu horeeyey qaarada Afrika ee u sharaxan abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize.

Ugu dambeyntii Prof. Dufle wuxuu u mahad celiyey guddoomiyaha Universum Academy ee Switzerland abaamarintan ugu dambeysay ee la soo guddoonsiyey.

 

b33 b44 b66 b77 bb2 jj1

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment