2769 Views

Sawiro:–Shirka Madasha Wasaaradaha Dastuurka Oo Ka Furmay Garoowe

Sawiro:–Shirka Madasha Wasaaradaha Dastuurka Oo Ka Furmay Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 22, 2017 Shirka sedexdii bilba mar qabsooma ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka (MoCA Forum) ayaa maanta si habsami leh uga furmay magaalada Garoowe, waxaana shirka furay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey.

Kulanka maanta ee MoCA Forum waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Dastuurka ee XFS, Gudoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee Gobolka Banaadir, iyo Wasiirada Dawlad Goboleedyada (DG) ee Arrimaha Dastuurka.

Mudane Camey ayaa khudbad khiiro lahayd ku furay shirka isaga oo ku dheeraaday in wadashaqeynta la xoojiyo.

“Farxad bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo shirkan, waxa aan idiin xusuusinayaa in Madashan aysan noqon sida madalo hore oo aan danta shacabka Soomaaliyeed ka shaqayn jirin, Wasiirada DGyada waxa aan kula dardaarmayaa in ay garab istaagaan Wasiir Cabdi Xoosh oo laga fogaado khilaaf, si taa la mid ah waxa aan idin kula dardaarmayaa in aad xoojisaan wadashaqeynta iyo midnimadiina si looga miradhaliyo hawlaha baaxadda leh ee idiin horyaalla; shirkuna waa inoo furanyahay” ayuu yiri Mudane Cameey.

Intaa kadib Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay shirka isaga oo ka warbixiyay hawlihii Wasaaradda u qabsoomay sedexdii bil ee la soo dhaafay.

“Boqolkii maalin ee aan ka soo gudubnay waxa aan ku soo guuleysanay hawlo badan oo ay kamid ahaayeen heshiiskii aan la saxiixanay Guddiyada ay hawsha Qaran inaga dhaxeyso iyo sidoo kale diyaarinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo madasha inta ay socoto lagu soo bandhigi doono” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirada DGyada ayaa dhankooda ka warbixiyeen waxqabadka Wasaaradahooda iyo hawlaha u qorsheeysan bilooyinka soo socda.

Ugu dambayn, shirka MoCA Forum ayaa la soo xiri doonaa maalinta Sabtida ah waxaana laga soo saari doona War-murtiyeed.

z3

z1

AAAS1

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment