2340 Views

Xal Laga Gaarayo Xiisada Colaadeed ee Ka jirta Suudaanta Kuufureed.

Xal Laga Gaarayo Xiisada Colaadeed ee Ka jirta Suudaanta Kuufureed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2017—Xabad joojin ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay waddankaasi afartii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa ay ku kala saxiixdeen maalintii Khamiistii dalka Ethiopia.

Heshiiskan ayaa dhigaya in hey’ddaha gargaarka loo ogolaado inay gurmad garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada ka jirtay waddankaasi.

Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Dhammaan isku-dayadii hore ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed oo dhexmara madaxweyne Salva Kiir iyo ninka sida weyn uga soo horjeedo Riek Machar ayaa guuldareystay.

In ka badan hal malyan oo qof oo u dhalatay Suudaanta Koonfureed ayaa u qaxay dalalka dariska la ah, iyada oo hay’addaha gargaarkuna ay ka digeen cuna yari ba’an.

Xabad joojintaan ayaa ka dhigan tallaabadii ugu horreysay oo lagu guuleysto, waxaana xigi doono wadahadalo kale oo haddii guul laga gaaro, ugu dambeyn la qaban doona doorashooyin.

Xigasho:BBC

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment