5133 Views

RW Khayre oo tababar u soo xiray layli sarkaalo cusub ee ciidanka booliiska

RW Khayre oo tababar u soo xiray layli sarkaalo cusub ee ciidanka booliiska
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“

Muqdisho | QOL | January 3, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana boggaadiyey saraakiishan cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuuna ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaaran oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.

.“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad diyaarka ugu tihiin difaaca dalkiina hooyo, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada, waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan, Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed’’ ayuu yiri R/W Khayre.

Ugu danbeyn, R/Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u xiray saraakiishan cusub darajooyin, isagoo sheegay in ay wax weyn ka badeli doonaan hannaanka Booliska iyo sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa kaalintii fir-fircooneyd ee ku lahaayeen amniga guud ee dalka.

.leyli-sarkaal-3 leyli-sarkaal-7 leyli-sarkaal-4 leyli-sarkaal-1 leyli-sarkaal-2 leyli-sarkaal-6 leyli-sarkaal-5 leyli-sarkaal-8

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment