2529 Views

Caruur dowladda ka Soo furatay Shabaab Oo ku dayacan Xerada Xalane

Caruur dowladda ka Soo furatay Shabaab Oo ku dayacan Xerada Xalane
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Hawlgal ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ay ku qaadeen 19-kii Bishan deegaanka Jiliyaale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa lagu soo furtay caruur dowladda ay sheegtay in Shabaab ay tababarayeen.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Yariisow, ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya hawlgalkaasi qorsheysan ay ku soo furatay 30 caruur ah oo Shabaab tababar ay siinayeen.

Caruurtaasi qaarkood oo la geeyay Xarunta ciidamada Amisom ee Xalane, ayaa xilligan waxaa lagu soo waramayaa inay haysato xaalado dhanka caafimaadka iyo daryeel la’aan.

Dhalinyaro ka mid ah kuwa ku nool Muqdisho oo xarunta Xalane ku booqatay caruurtaasi ayaa waxa ay sheegeen inay soo arkeen qaarkood oo xaaladooda caafimaad ay liidato, nabaro kala duwana jirkooda uu ka muuqdo.

Dhalinyaradii soo arkay caruurtaasi ayaa waxa ay sheegeen inay u muuqato dowladda laamaheeda ku shaqada leh arrimahan inay iska ilowday oo markii hawlgalka lagu soo furtay caruurtaasi la geeyay Xerada Xalane, kadibna la isaga tagay.

Degaanka Jiliyaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, Jowharna u jira 30-KM ayaa laga soo furtay caruurtaan goob dowladda ay sheegtay Shabaab inay ku tababarayeen ilmahan si ay u baraan habka dagaalka.

5 4

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment