2907 Views

Maamulka gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Wadada Via Roma ee degmada Xamar-Weyne

Maamulka gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Wadada Via Roma ee degmada Xamar-Weyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 7, February 2018 — Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay dayac-tirka Waddada Via Roma ee degmada Xamar-Weyne.

Mashruucaan laamiga lagu saarayo waddadan ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Benaadir iyo bulshada ku dhaqan degmada.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in la qorsheeynaayo sidii dib loogu dayac tiri lahaa dhammaan waddooyinka kale ee bur-burku soo gaaray, si loo soo celiyo bilicdii iyo quruxdii ay ku tilmaamneyd caasimaddu.

“Waxaan rabnaa inaan soo celino bilicdii Caasimadda, waxana door muhiim ah ka qaadanaya dhismaha jidadka iyo horumarinta adeegyo bulsho dadka degan degmada Xamar-Weyne”. Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashruuca dib-u-dhiska dalka, kaas oo lagu gaari karo horumar dhaxal gal ah.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey qaar ka mid ah guddoomiye ku xigeennada Maamulka Gobolka iyo Xog-hayaha guud.

dhagaxdhigay-wadada-via-roma-5 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-3 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-1 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-8 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-6 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-4 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-2 dhagaxdhigay-wadada-via-roma-7

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment