2379 Views

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Laxiriira Qarixii Ka Dhacay Nawaaxiga Madxtooyada

Wararkii Ugu Danbeeyey  Ee Laxiriira Qarixii Ka Dhacay Nawaaxiga Madxtooyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23  February 2018 —Saraakiisha ciidamada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inay toogteen Saddex nin oo ahaa rag hubaysan, lana socday gaari ku qarxay halka loo yaqaan Dhagaxtuur oo ku dhaw Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Madaxtooyadda waxa ay sheegeen ciidamada ku sugan Koontaroolka Madaxtooyadda inay dileen Saddexdaan nin oo ee hubaysan, kuwaasi oo doonayay inay dagaal ku galaan Madaxtooyadda.

Gaarigii ay wateen raggaan hubaysan ayaa ku qarxay meel ku dhaw Xerada Dhagaxtuur oo ciidan ay degan yihiin, kadib markii ciidamada Koontaroolka Sayidka ay soo rasaaseeyeen gaariga oo taayarada ay ka banjariyeen.

ntii dagaalka uu socday, ayaa waxaa halkaasi ku dhintay Laba Alifle Xoogga dalka Bashiir oo ka mid ahaa ciidamada Illaalada Madaxtooyadda, kaasi oo ay dileen ragga hubaysan.

Dhaqdhaaqa guud ee nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaniba oo ma jirto gaadiid iyo dad halkaasi socda, marka laga reebo ciidamo hubaysan oo kaliya.

Gaari kale ee ku qarxay Parking Hotel Dorpin ee Isgoyska Jubba lama oga khasaaraha ka dhashay, laakiin dadkii meesha ka agdhawaa ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin qaraxyadan iyo rasaasta tooska ah ee caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Shalay ayeey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay ka digtay qaraxyo gaadiid ah oo ku jira Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment