2349 Views

Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO Oo Suudaan Ku soo Gaba Gabeeyay Shir Muhiim ah

Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO Oo Suudaan Ku soo Gaba Gabeeyay Shir Muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  24  February 2018 —Waxaa magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO).

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xiritaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule,iyadoo mudada shanta cisho ah ee uu socday  looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa  gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo Dowladda Soomaalilya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta  waxa uu sheegay in shirkaasi  xoogga lagu saaray waxqabadka hey’adda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa  adeegyada beeraha .

m1 m2 m3

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment