2454 Views

Maxkamad ku talla K/Afrika oo xabsi dheer ku xukuntay Nin dilay Muwaaddin Somali ahaa

Maxkamad ku talla K/Afrika oo xabsi dheer ku xukuntay Nin dilay Muwaaddin Somali ahaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 05, 2018  –Maxkamadda Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa 35 Sano oo xasbi ah ku ridday John Arnoldus,kaas oo lagu helay in uu ka mid yahay burcadda dadka dila sidoo kalena uu dhowr jeer dil geystay kuwana isku dayay.

Ninkan oo 32 jir ah ayaa 4tii January 2016kii waxaa uu dilay Muwaaddin Soomaali ah oo dukaan ku lahaa Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Sidoo kale waxaa uu dil kale ka geystay isla magaaladaas waxaana la xiray Sanadkii 2017kii isaga oo mar damiin lagu siidaayay ayuu haddana dil kale geystay Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay taas oo keentay in dib loo xiro.

Maxkamadda Magaalada Cape Town ayaa ugu dambeyn Ninkan ku xukuntay 35 Sano oo Xabsi ah,iyada oo Booliska Koofur Afrika ay Maxkamadda ka hor jeediyeen in hal nooc oo rasaas ah uu dhamaan falalkaas ku geystay sidaasna lagu soo qabtay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment