1911 Views

Senotar Jeff Merkely oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Senotar Jeff Merkely oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 27, 2018—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sanatar Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya markale ay dowladnimadeedii soo noqoto, isagoona ku boggaadiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha dadaalka badan ay ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxa kale oo uu Dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale usoo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto  Alshabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

 

2222111111

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment