2130 Views

Maamulka Jaamacadda Gaarisa oo diiday in ay xusaan weerarkii 2015kii

Maamulka Jaamacadda Gaarisa oo diiday in ay xusaan weerarkii 2015kii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  |  April 01, 2018–Maamulka Jaamacadda Gaarisa ayaa iska diiday in ay xusaan Sanad guurada 3aad ee ka soo wareegtay Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ay ku qaadeen Al-shabaab sanadkii 2015kii.

Madaxweyne ku xigeenka  Jaamacadda Gaarisa Axmed Cismaan Warfaa ayaa sheegay in sanadkan aan la xusi doonin Weerarkaasi maaddaama sida uu yiri kaliya uu soo kordhinayo xusuus xun sidaas darteedna aan loo baahneyn qabashadeeda.

Maamulka Jaamacadda ayaa labadii sano ee la soo dhaafay xus u dhigayay 148 Ardey ee lagu dilay weerarkii ay Al-shabaab ka geysteen Jaamacadda Gaarisa 2dii April sanadkii 2015kii.

Prof Warfaa ayaa sheegay subaxii uu weerarkaas dhacayay in 7 ka mid ah shaqaalaha amaanka ee Jaamacadda Gaarisa ay heeganka lahaayeen habeenkaas,ayna ka mid noqdeen dadka lagu dilay weerarkaas.

Jaamacaddda Gaarisa ayuu sheegay in hadda ay dhigtaan 1,193 Ardey, 400 oo ka mid ahna ay dowladda ka bixiso qarashka waxbarashada halka inta kale ay iyaga iska baxshaan.

Madaxwweynaha Kenya ayaa Jaamacadda siiyay dastuur u gaar ah taas oo ka dhigtay Jaamacadda mid iskeed isu maamusha islamarkaana howlaheeda waxbarashada dib u billaabata

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment