957 Views

SAWIRO: Duqa Muqdisho oo booqday Isbitaallada Muqdisho

SAWIRO: Duqa Muqdisho oo booqday Isbitaallada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 28–2019 | —Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday Isbitaalka Madiina halkaas oo la geeyay dhaawacydii ugu badnaa ee kusoo wax yeeloobay qaraxii  isgoyska Ex Contoral Afgooye.

 

Duqa Muqdisho ayaa booqday qeybta gurmadka  Deg dega ah ee dhaawacyada culus iyo qeybaha kale ee dhaawacyada lagu baxnaaninayay waxa uuna warbixina quseeya xaaladaha dhaawacyada ka dhageestay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka.

 

 

 

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir oo kaa shanaaya DFS uu dalka dibadiisa u qaadi doono dadka dhaawacyada culus qaba ee wadan wax looga qaban waayo.

 

Agaasimaha guud ee Isbitaal Madiina Maxamed Yuusuf ayaa kormeerka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhaawacyo aad u badan oo isbitaalka xataa uusan awoodin la keenay,islamarkaana ay ku jiraan Xaalad adag oo u baahan gurmad dheeraad ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment