1176 Views

Madaxweynaha Kenya oo loo soo jeediyay inuu kala diro baarlamaanka

Madaxweynaha Kenya oo loo soo jeediyay inuu kala diro baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 22 2020—David Kenani Maraga Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya , ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in la kala diro baarlamaanka Kenya, kaddib markii sharci-dejiyaasha ay ku guuldareysteen inay meel mariyaan sharciga u oggolaanaya in seddax meelood laba baarlamaanka ay dumarka ahaadaan.

Tallaabadan ayaa shaqo la`aan dhigi doonta 418-da xildhibaan ee baarlamaanka Kenya.

Xildhibaadan Aadan Keynaan Weheliye oo ah mudanaha laga soo doorto deegaanka Celdhaas ee Ismaamulka Wajeer, gobolka Waqooyi-bari sidoo kalena ah xoghayaha Xisbiga Jubilee ee barlamaanka Kenya ayaa sheegay in arrintaasi ay yeelan karto labo weji, tan koowaad ayuu ku tilmaamay inay tahay siyaasad uu cayaarayo guddoomiyaha maxkamadda maaddaama uu waqtigiisa dhammaan rabo.

“Dadweynaha laguma qasbi karo qeybtan sidaas u soo doorta, waa dimuqraaddiyad. Ninkan waqtigiisa ayaa dhammaaday wuxuu doonayaa wax dalka qalalaaso geliya marka uu tago kaddib, wax socon karana ma aha” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maaddaama xildhibaannada Kenya ay shacabka soo doortaan, aan baarlamaanka lagu qabsi karin inay saxiixaan wax aysan shacabku rabin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post